Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda
Ujeeddada Waaxda
Inay hubiso maamul hufan oo dhinacyada maaliyadda, howlaha maamulka, taageerada adeegyada, iyo isticmaalka kheyraadka Wasaaradda si waafaqsan nidaamyada dowladda.
Waajibaadka Waaxda
- Diyaarinta iyo maamulka miisaaniyadda Wasaaradda.
- Hubinta hufnaanta maamulka maaliyadda iyo xisaabaadka.
- Maareynta adeegyada maamulka iyo howlaha xafiisyada.
- Kormeerka hantida, qalabka, iyo keydka Wasaaradda.
- Isku-duwidda adeegyada saadka, gaadiidka, iyo dayactirka.
- Diyaarinta warbixinnada maaliyadeed iyo maamulka.
Qaybaha Maamulka iyo Maaliyadda
Waaxda Maamulka iyo Maaliyaddu waxay ka kooban tahay shan qaybood.

