Wasaaradda Amniga Gudaha waa hay’ad Dasturi ah oo heer Wasaaradeed ah taas oo qaabilsan kor joogtaynta dhammaan Hay’adaha Amniga Gudaha ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleedka, waxay u xilsaarantahay xaqiijinta badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Aragtida Dhow
Aragtida dho ee Wasaaradda amniga gudaha waa dhisida hayadaha amniga gudaha oo si hufan u shaqeynaya iyo dib u soo celinta kala dabaynta amniaga dalka hirgalinta sharciga dalka
Hiigsiga Fog
Hiigsiga Wasaaradda Amniga Gudaha waa abuurista Soomaaliya oo ammaan ah, federaal ah oo nabad waarta haysata, sidoo kale deriskeeda iyo caalamkaba nabad kula noolaata ayna ka jirto caddaaladda iyo sareynta sharciga iyadoo ilaalinaysa dastuurkeeda
Wasaaradda waxay mas'uul ka tahay
- Soo-jeedinta, diyaarinta iyo dhaqangalinta siyaasadaha iyo shuruucda lagu maareynayo amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, laguna maamulayo hay’adaha siyaasad ahaan hoos yimaada wasaaradda sida: Ciidanka Boliiska Federaalka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyo Hay’adda Maareynta Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa, Hay’adda la-dagaalanka maandooriyaha iyo machadka Amniga Qaranka IWM.
- kor u qaadista iyo horumarinta tirada iyo tayada xubnaha Ciidanka Boliiska Federaalka iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, iyada oo ka shaqeyneysa sidii ay u heli lahaayeen tabobarro joogto ah iyo qalabkooda ciidan.
- Diyaarinta, hubinta, gudbinta, iyo korjoogteynta miisaaniyadda Ciidanka Boliiska, NISA iyo korjoogtaynta barnaamijyada daryeelka xubnaha ciidanka, si waafaqsan shuruucda dalka.
- Diyaarinta iyo dhaqangelinta istiraatiijiyadda sugidda amniga, la tacaalidda dembiyada, la-dagaallanka argagixisada, la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah, maareynta dhibaatooyinka xuduudaha, iyo khataraha kale ee amniga gudaha si waafaqsan shuruucda dalka.
- Taabbagelinta iyo horumarinta badqabka dadweynaha, iyada oo kala shaqeynaysa bulshada arrimaha nabad-gelyada iyo ka hortagga colaadaha.
- La socodka xaaladaha amniga gudaha ee dalka, iyada oo warbixinno joogto ah ugu soo gudbinaysa Golaha Wasiirada.
- Korjoogtaynta siyaasadeed ee hay’adaha iyo xafiisyada kaabeyaasha ah ee hoos yimaada Wasaaradda, iyada oo hubinaysa dhaqangalka siyaasadaha arrimaha amniga gudaha iyo xeerarka kale ee dalka.
- Iskaashiga iyo wadashaqeynta gobolka iyo caalamka ee ku saabsan sugidda amniga gudaha iyo la dagaallanka dembiyada, iyada oo ka qeybgaleysa wixii heshiisyo ah ee waxtarka u leh Qaranka.

