Abdullahi Sheikh Ismail

Minister of Internal Security of Somalia

Abdullahi Sheikh Ismail “Fartaag” is an accomplished security sector leader,
strategist, and reformist. Renowned for his profound contribution to peace,
security and reconciliation Abdullahi “Fartaag” holds over three decades of
experience in senior security sector roles both in on the level of the Federal
Member States and in the Federal Government of Somalia.

Educated at the Jaalle Siyaad Military Academy, Abdullahi “Fartaag’s ascended
through the ranks of the Somali National Army (SNA) where he was renowned for
his tactical and strategic excellence. His direct contribution to the security sector
reform and development was recognized as he was appointed to head the SNA
reorganization in 2001 – 2004. In this role, Abdullahi “Fartaag” led the process of
transformation dedicated to creation of modern effective National military force.

Building on structural reforms implemented under his leadership, Abdullahi
“Fartaag” took the command of the Section 3 Command in Jubaland in 2006 –
2007, where his leadership contributed to the security of Somalia’s southern
regions.

Informed by the experience gained as a field commander, Abdullahi “Fartaag”
continued with his reformation mission as he was reappointed in a role of the
Head of Military Re-organization in Jubaland in 2009 – 2011 and consequently took
the command of SNA 60th Division located in Dollow (Gedo Region) in 2011 – 2013

Abdullahi “Fartaag’s” visionary contributions to security sector leadership and
reforms and his dedication to promoting peace and stability took him to serve as
a Vice-President of Jubaland in 2013 – 2016 where he focused his efforts primarily
on the reconciliation and security sector portfolios.

Since 2016, Abdullahi “Fartaag” continued shaping Somalia’s democratic and
federalism processes within a new role, as a representative of the people of Gedo
region in the Federal Parliament’s Upper House. As a senator, he pursued further
reforms geared towards lasting peace and security. He was rewarded for his
thorough work and reelected to the Upper House in July 2021.

Recognizing his exceptional contribution to peace and security, Federal
Government Prime Minister Hamza Abdi Barre appointed Abdullahi Sheikh Ismail
“Fartaag” into the position of the Minister of Internal Security in April 2024.

Wasaaradda waxey leedahay waaxyo badan, waaxyadaa oo qabta shaqooyin kala duwan side:

1. Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha

Waaxda shaqada iyo Shaqaalaha waxay kashaqeysaa:-

  • Ka shaqaynta qaabka qorista shaqaalaha loo baahan yahay ee Wasaaradda Amniga gudaha, kaydinta xogta shaqaalaha, hagaajinta habka ceyminta, hubinta & cusboonaysiinta siyaasada shaqaalaha joogtada ah.
  • Xaqiijinta bixinta xuquuqda iyo wajibaadka shaqaalaha isagoo la kaashanayo xafiisyada ku shaqo leh.
  • Diyaarinta tirikoobka saxa ah ee shaqaalaha.
  • La socodka hawlaha kala duwan ee shaqaalaha sida qiimeynta, fasaxyada, cabashooyinka iwm.
  • Waafajinta shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda Amniga gudaha xeerka shaqada iyo shaqaalaha

2. Waaxda Maalumka iyo Maaliyadda

Waxaada maamulka iyo maaliyadda waxay ka shaqeysaa:-

  • Diyaarinta, qabashada, bixinta, ilaalinta, hubinta, ka warbixinta dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee Wasaaradda.
    Dejinta iyo habsami-u-wadida maamulka wasaaradda.
  • Dejinta iyo ilaalinta masuuliyadaha iyo xaquuqda shaqaalaha.
  • Diyaarinta qaab-shaqeedyada (working procedures) iyo agabka loo baahan yahay fulinta shaqada.
  • Xaqiijinta bixinta lacagaha adeegga loogu qabto Wasaaradda Amniga Qaran si waafaqsan sharciga maaliyadda sida (qandaraasyada, qalabaynta, & fulinta mashaariicda).

3. Waaxda amniga iyo nabadgelyada

Waaxda Amniga iyo Nabadgalyada waxay ka shaqeysaa:-

  • Dejinta Qorshaha maaraynta hubka fudud, iyo horumarinta sharcigii hubka.
    Tirakoobka noocyada hubka fudud ee waddanka lagu isticmaalo.
  • Diiwaan gelinta hubka iyo Sumadaynta (Calaamadaynta hubka) Hubka.
  • La socodka hubka wakhtiga sharci haysashadiisa ay dhacaday iyo kuwa aan dhicin.
  • Kormeerka isticmaalka hubkii la sharciyeeyay.
  • Bixinta Rukhsada haysashada hubka fudud, markii uu muwaadinku soo maro habraacyada iyo shuruudaha u dagan.

4. Waaxda Xiriirka Bulshada iyo Wacyigalinta

Waaxda Arimaha Bulshada iyo Wacyigalinta Dadweynnaha waxay ka shaqeysaa:-

  • Wanaajinta Xiriirka Dadweynaha iyo Wasaaradda, Waxay faafisaa macluumaadka ay wasaaraddu doonayso in ay Bulshada ay la wadaagto.
  • Waxay dhistaa xiriir wanaagsan oo bulshada lala yeesho.
  • Waxay Maamushaa mareegtooyinka Wasaaradda sida website-ka, Facebook-ga iyo Twitter-ka,
  • Waxay ka shaqeysaa ilaalinta xuquuqul insaanka, ka hortagga askaraynta carruurta,
  • Waxay dajisaa qorsheyaal wacyigelineed kaasoo bulshada loogu sheegayo sidii ay amniga ooga qeyb qaadan lahaayeen sida Barnaamijka Bolis kal-kaal-ka (Community Policing),
  • Waxay diyaarisaa warbixinda Amniga ee billaha iyo sanadlaha ah.
  • Waxay kaydisaa warbixinada amniga, waxayna ilaalisaa system-ka warbixintanada Amniga wasaaradda.

5. Waaxda Qorsheynta iyo Tababarada

Wanda Qorshaynta iyo Tababarada waxay ka shaqeysaa:-

  • Dejinta Qorshaha Wasaaradda.
  • Is waafajinta qorshaha wasaaradda iyo qorshaha dowlada.
  • Hubinta habsami u socodka mashaaricda Wasaaradda.
  • Tayaynta iyo tababarista shaqaalaha wasaaradda.
  • Isku xirka Wasaaradda iyo hay’adaha ama dowladaha dibadda ee ku shaqada leh amniga.
  • Soo saarida warbixino ku salaysan cilmi baaris.
  • Qiimeynta fulinta hawlaha iyo mashaariicda wasaaradda
  • U kuur galida habsami u socodka hawlaha wasaaradda

6. Waaxda Hubka Dhigista, Dhaqan Celinta (DDR) iyo Difaaca Madaniga

Waaxda hubka dhigista, dhaqan celinta Iyo Difaaca Madaniga waxay ka shaqeysaa:-

  • Dejinta qorsheyaal looga hortagaayo faafidda hubka iyo walxaha loo isticmaalo hub ahaanta guud ahaan dalka oo dhan.
  • Dejinta qorsheyaal tayaysan oo lagu maamulo xeryaha dhaqan celinta maleeshiyaadka ee ay dowladdu sida tooska ah gacanta ugu hayso.
  • Ku wacyigelinta bulshada ahmiyadda dhaqan-celinta maleeshiyaadka iyo dib u celintooda.
  • Dejinta qorsheyaal cad cad kaasoo malleeshiyaadka loogu abuurayo fursado shaqo iyo tababaro xirfadeed.

7. Waaxda La Dagaalanka Argagixisada

Waaxda Ladagaalanka Argagixisada waxay ka shaqeysaa:-

  • Uruurinta xogaha isku dubaridkooda iyo Xifdinta ilaha xogaha ay ka imaanayaan.
    Gorfaynta, kala saarista xogaha iyo Xulashada xogaha maan galka ah.
  • Taxliilinta xogaha, Tashi galinta xogaha halista ah.
  • Gaarsiinta madaxda ay khuseeyso sida ugu dhaqsiyaha badan iyada oo la ilaalinaayo waqtiga iyo lagana hortagaayo xajmiga qatarta.
  • Kaydinta xoggaha iyo samaynta Data base lagu kaydiyo warbixinta.

8. Waaxda Sharciyada iyo Dejinta Siyaasadda

Wanda sharciyda iyo dajinta siyaasadaha waxay ka shaqeysaa:-

  • Diyaarinta iyo xulida Magacayada Sharciyada.
  • Qorista sharciyada sida waafaqsan baahida loo sameynayo iyo dastuurka dalka u yaal.
  • Tarjumida sharciyada.
  • Helista sharci yaqaano ka caawiso hadba sharciga la diyaarinaayo.
  • Dejinta siyaasadaha wasaaradda si waafaqsan baahiyaha wasaaradda
  • Tashi gelinta dejinta siyaasadaha.
  • Iswaafajinta siyaasadaha iyo qorsho hawleedyada kale ee wasaaradda u degsan.
  • Diyaarinta siyaasadaha hey’addaha wasaaradda hoos yimaada.

9. Waaxda xiriirka dowlad goboleedyada

Wanda xiriirka Dowlad Goboleedyada waxay ka shaqeysaa:-

  • Xoojinta xiriirka wasaaradda iyo dowlad goboleedyada.
  • Xoojinta xiriirka hay’addaha wasaaradda hoosyimaado.
  • Ka shaqeynta hawlaha lagu hormarinayo amniga Dowlad Goboleedyada.
  • Qalabeynta hay’addaha amniga ee dowlad goboleedyada.
  • Soo gudbinta baahida amni ee Dowlad Goboleedyada.
  • Ka hortaga ka-tahriibida dowlad goboleedyada dalka iyadoo uu kaashanaayo jihooyinka ay hawshaan wadaagaan.
  • Qabanqaabada shirarka loo qabanaayo dowlad goboleedyada iyo diyaarinta casumadahooda.
  • Soo gudbinta arrimaha degdega ah ee amni ahaan kasoo cusboonaado Dowlad Goboleedyada.
  • Helida tirada saxa ah ee hay’addaha amni ee Dowlad Goboleedyada.
  • Isku xirka hawlaha amni ee u dhaxeeya dowlad goboleedyada.
  • Ka hortaga waxyaabaha xumeyn kara xiriirka guud iyo midka gaarka ee u dhaxeeyo wasaaradda amniga federaalka iyo wasaaraddaha amniga Dowlad Goboleedyada.

Hogaanka Wasaaradda Amniga Gudaha

Magaca Hogaanka

Magca Hogaanka

Magaca Hogaanka

Wasaaradaha Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleeydaha

Adeegyada Aan Bixino

Wasaaradda Amniga Gudaha Waxay bixisaa adeegyada hoos ku xusan

Bixinta Rukhsadda

Waxaan rukhsad / license siinaa shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Bixinta Baasaboorka

Waxaan mas'uul ka nahay bixinta baasaboorka Soomaaliya.

Bixinta Ogolaanshaha Haysashada Hubka

Waxaan bixinaa rukhsadda lagu heysan karo hubka.

Bixinta VISA-ha

Waxaan mas'uul ka nahay bixinta dal ku galka.

Bixinta Ogolaanshaha Deganaanta Dalka

Waxaan mas'uul ka nahay bixinta rukhsadda deganaanshaha dalka.

Bixinta Warqadda Dembi La'aanta CID

Waxaan mas'uul ka nahay bixinta waradda dambi la'aanta CID

Scroll to Top